Dagaal Ka Dhacay Magaalada Boorama

Xiisadda ka dhalatay dagaalkan ayaa weli ka taagan magaalada Boorama, iyadoo dadka qaar ay bilaabeen iney barakacaan.

Warar Keydmedia Online
Dagaal Ka Dhacay Magaalada Boorama

Wararka laga helayo magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliiska Somaliland iyo maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Booliiska Somaliland ay ku baxeen maleeshiyaadkan oo isku uruursanayey duleedka magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey Hal askari ayaa ku dhintay dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, iyadoo dagaalka uu soo gaaray saakay waaberigii.

Maxamed Axmed Caalin oo ah guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ay doonayeen iney kala dhex-galaan maleeshiyaad horey ugu dagaallamay halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in saakay halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysay Booliiska Somaliland iyo maleeshiyaadkii dagaallamay.

Dadk ku dhaqan nawaaxiga halka dagaalkan uu ka dhacay ayaa bilaabay in ay goobta isaga cararaan si ay naftooda u badbaadsadaan.

Keydmedia Online

    Commenting is not available in this channel entry.