Colaadda Tigray

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Itoobiya

Dagaalka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa kusii fidaya deegaanno hor leh, waa Warbixinta Tifaftiraha Keydmedia Online ee Geeska Afrika. 

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Itoobiya

ADDIS ABABA, Itoobiya - Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Federaalka dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigreega ayaa maalintii Tobanaad ka soconaya gobolka Tigreega, waxaana jira khasaare xooggan.

Inkastoo isgaarsiinta ay ka maqan tahay hawada, islamarkaana ay adag tahay in la ogaado xogta dhabta ah, ayaa hadane waxay Labada dhinac sheeganayaan guullo.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda federaalka Itoobiya ayaa sheegay iney qabsadeen deegaanno cusub oo muhiim u ahaa Tigreega, sidoo kalena ay ka dileen ciidan badan.

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa dagaalkan qeyb ka ah, waxaana ay gubeen keyd shidaal iyo sidoo kale hub uu lahaa ciidanka Tigreega, sida ay faafisay Warbaahinta dowladda. 

Dhanka kale, hay'adda Amnesty International ee u doodda xuquuqda aadanaha waxay sheegtay in gobolka Tigraaga uu xasuuq ka dhacay, waxaana jira kumanaan shacab oo u qaxay dhanka xuduudka dalka Suudaan. 

Muuqaal uu soo duubay Satellite-ka ayee ku sheegtay hay'adda in lagu muujiyey xasuuqan oo gaaraya Boqolaal qof oo aan shaqo ku lahayn dagaallada socda. Hay'addan ayaa ka codsatay dowladda federaalka ee Itoobiya iney fasaxdo Isgaarsiintii gobolkaasi si loola socdo wax walbo oo halkaasi ka dhacaya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku eedeeyey Tigreega in ay iyagu xasuuq u geysteen dad shacab ah, wuxuuna tilmaamay in lagula xisaabtami doono.

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidanka Tigreega in ay isku soo dhiibaan, si naftooda u badbaaddo, haddii kale ay dhibaato la kulmi doonaan. Dhanka kale, TPLF ayaa shacabka Tigreega ku bogaadisay iney hubka qaataan oo ay la dagaallamaan ciidanka federaalka Itoobiya ee weerarka kusoo qaaday.

Colaad abuuri karta Dagaal Sokeeye

Abiy Axmed oo horey sumcad iyo magac uga sameeyay dib u heshiisiinta Itoobiya iyo heshiiskii nabadda Eritrea ayaa hadda wajahaya caqabado xalkooda ku adag tahay, oo ay ku jirto colaadda gobolka Tigray.

Dadka degan gobolka Tigray ayaa ka dhigan 6% guud ahaan shacabka Itoobiya oo 110 milyan gaaraya, laakiin waa dad saameyn ku leh Siyaasadda iyo Ciidanka, oo mudo 30 sano xukunka haystay kahor inta uusan Abiy Axmed noqon Ra’iisul Wasaare horaantii 2018.

QM ayaa ka walaacsan dagaalka socda, oo ay sheegtay in 200,000 qof ay ka carareen gobolka Tigray, kuwaasoo gaaren Sudan, oo qaxooti ku noqdeen, iyadoo kuwa badan ay go’doonsan yihiin dalkooda.

Sidee ku bilaabatay Colaadda?

Colaadda u dhaxaysay Ciidamada Federaalka iyo TPLF ayaa ka billaabatey weerar lagu qaadey saldhiyo militeri iyo khilaaf ka taagnaa doorasho dhawaan lagu qabtay gobolka, oo dowladda dhexe qaadacday.

Abiy, oo 44 jir ah waa hoggaamiyaha ugu da'da yar Afrika, wuxuu illaa hadda diidan yahay baaqyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, ee ku saabsan xabbad-joojin deg deg ah iyo wadaxaajood.

Itoobiya oo saameyn dhinaca amniga  iyo siyaasadda ku leh Soomaaliya, oo Ciidamo ka joogaan ayaa qarka u saaran dagaal sokeeye, oo carqalad ku noqon kara xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.