Deni oo wadahadal ku baaqay

Deni ayaa fursad aad u muhiim ah ku tilmaamay siyaasiyiinta isugu tagay Garoowe.

Warar Keydmedia Online
Deni oo wadahadal ku baaqay

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa ku baaqay in laga wadahadlo masiirka dalka, si loo helo siyaasad bulshada ku hagta waddo nabadeed oo lagu gaaro doorasho xalaal ah.

Deni oo hadal ka jeediyey furitaanka kulanka madasha aragti wadaag ee Heritage oo Maanta ka furmay Garoowe ayaa sheegay in shirkan uu furmay xilligii loo baahnaa, muhiimna ay tahay in la wada fariisto.

"Shirkaan wuxuu kusoo aadday xilligii loo baahnaa oo dalka xaalad adag oo siyaasadeed ka jirto, waa muhiim in siyaasiyiinta Soomaaliyeed wada kulmaan, misne ay wadahadlaan" ayuu yiri Deni.

Dalka waxaa ka jirta xaalad siyaasadeed oo ah middii ugu darneyd ebed, kadib markii uu Farmaajo isku dayey in uu qabsado doorasho isaga dib ugu soo noqonayo.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada aadka u dhaliilsan hanaanka uu wax u wado Farmaajo, waana ay diideen in doorashada Farmaajo ay ka qeybgalaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.