DFS oo shaacisay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Duqeynta cirka ah waxaa inta badan DFS ka caawiya AFRICOM.

Warar Keydmedia Online
DFS oo shaacisay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Maraykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu baacsaday warshad Al-shabaab ku sameyn jireen qaraxyada, halkaasna lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsan Al-shabaab.

“Warshadan ayaa caan ku ahayd soo saaridda qaraxyada ismiidaaminta ee ay Alshabaab ku dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana u jeedku ahaa in aan burburino ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga dalka.

Taliska ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya AFRICOM ay xilli walbo beegsan doonaan Al-shabaab si shacabka looga badbaadiyo.

Maraykanka ayaa ciidankiisa ka saari doona Soomaaliya, taas oo ka dhiggan in ay yaraan doonto weerarada sidan oo kale ah ee lagu qaadayo Al-shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.