Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey deegaanno ka tirsan Gedo

Keny ayaa caado ka dhigatay in ay banneysato dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey deegaanno ka tirsan Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanno hoostaga degmada Ceel-waaq ee gobolkaas.

Diyaaradahan ayaa duqeeyey deegaannada kala ah, Cowsqurun Garsaal. Xisaguur. Dhamas. Likooley waxaana la sheegay in shacab ay waxyeello kasoo gaartay.

Sidoo kale, duqeyntan waxaa ku dhammaaday Geel badan, iyadoo saraakiisha Kenya aanay ka hadal ulajeedka duqeynta iyo cidda ay bartilmaameedsanayeen.

Duqeyntan ay diyaaradaha Kenya ka fuliyeen gobolka Gedo ayaa ah fariin loo dirayo dowladda Farmaajo, oo dalka dib ugu celisay meeshii fogeyd ee laga keenay.

Kenya ayaa duqeyn iyo sidoo kale rasaas toos ahba ku laysa shacabka Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan, kuwaasi oo ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

DFS ayaa dhegaha ka fureysatay cabashada ay usoo gudbiyeen shacabka Gedo ee ah in laga qabto ciidanka Kenya ee gumaadka ku haya.


KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.