NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Dowladda Kenya ayaa Jawaab rasmi ah ka bixisay go'aankii Dowladda Federaalka, ayadoo ku tilmaamtay 'eedeymo aan la xaqiijin'.
NAIROBI, Kenya - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah waxay ka bixisay tallaabadii ay DFS ay dalka uga saartay safiirkoodii, Lucas Tumbo, sidoo kalena ula laabatay safiirkii Somalia ee Kenya.
Waxay tilmaantay wasaaradda in aanay marnaba DFS ka helin wax xiriir ah oo ku aaddan in dalkeeda ka saareyso Danjire Lucas Tumbo.
Kenya ayaa sheegtay in ay ixtiraamayaan mabaadi'da caalamig ah, qarannimada, aaya ka tashiga, siyaasadda iyo sharafta dhuleed.
“Ficilkaan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin (....) Dowladda Kenya waxa ay ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.
DFS ayaa ku eedeysay Kenya iney faraha kula jirto arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kalena ay cadaadis soo saarayaan Madaxweynaha Jubbaland, sidaasi darteed iyadoo la ilaalinayo madax-banaanida Soomaaliya iyo qarannimada ayeey sheegtay dowladda in go'aankaasi la gaaray.
Add comment
Comments