Fahad Yaasiin oo laga dalbaday inuu is casilo

Musharraxiinta Madaxweyne qaarkood oo shir ugu soo dhammaaday Magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin in uu iska casilo xilkaasi

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo laga dalbaday inuu is casilo

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeedkii ay soo saareen ayeey ku sheegeen in Fahad uu Farmajo u yahay madaxa ololaha doorashada, sidaasi darteedna ay haboon tahay in uu meesha banneeyo.

Amniga doorashada ayeey sheegeen in ay muhiim u tahay is casilaadda Fahad Yaasiin, maadaama ammaanka la rabo in si dhex-dhexaadnimo ah loo qabto.

"Iyadoo la cuskanayo mabaadi'da ku xusan dhammaan farqooyinka qodobka 127-aad ee Dastuurka KMG ah, uu taliyaha Hay'adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu banneeyo xilka hoggaamiyaha NISA maadaama uu yahay madaxda ololaha dib-u-doorashada murashaxa madaxweyne ee xilkiisu dhamaanayo, mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, si loo sugo amniga dhex-dhexaadinnimada hay'adda NISA"

Fahad oo ku fashilan howsha NISA ayaa dhanka kale waxa uu doonayaa in dib loo soo doorto Madaxweyne Farmajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.