Fursadda Al-shabaab ee ka bixitaanka ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya

Al-shabaab ayaa hadda fursad u heli doonta iney dib isku soo abaabulaan, sidoo kalena ay hoggaamiyeyaashooda xornimo ugu dhaq-dhaqaaqaan meelaha ay dalka ka maamulaan.

Warar Keydmedia Online
Fursadda Al-shabaab ee ka bixitaanka ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa in ciidankeeda ay kala baxdo Soomaaliya kahor inta aanu xilka baneyn Madaxweyne Donald Trump oo fursad Bil ah haysta in uu sii joogo aqalka cad.

Ciidamada Maraykanka oo tiro ahaan aan dhameyn Kun askari, ayaa hadana waxay Soomaaliya ka wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyaga oo caawinayey ciidanka DFS, kana qeybqaadanayey weerarada tooska ah ee Al-shabaab.

Hadaba, in ciidanka Maraykanka ay isaga baxaan Soomaaliya, waxa ay dan weyn ugu jirtaa Al-shabaab oo cadaadis badan markii hore kala kulmayey Maraykanka.

Al-shabaab ayaa hadda fursad u heli doonta iney dib isku soo abaabulaan, sidoo kalena ay hoggaamiyeyaashooda xornimo ugu dhaq-dhaqaaqaan meelaha ay dalka ka maamulaan.

Waxaa yaraaneysa weerarada lagu qaadi jiray deegaannada Al-shabaab ku xooggan yihiin, iyadoo tani dhabar-jab ay ku noqoneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in ay suurtagal noqoto iney soo rogaal-celiyaan Al-sabaab, ayna xoojiyaan weerarada ay dalka ka geystan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.