Gobolka Banaadir oo ka arrinsaday ka hortagga kufsiga

Kufsiga ayaa muddooyinkan dambe kusoo kordhay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Gobolka Banaadir oo ka arrinsaday ka hortagga kufsiga

Maamulka gobolka Banaadir oo yeeshay kulankooda Todobaadlaha ah ee looga hadlayey ammaanka  degmooyinka Muqdisho ayaa ka arrinsaday sidii looga hortagi lahaa kufsiga.

Saalax Cumar Xasan, Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in la isku raacay in dadka lagu baraarujiyo ka hortagga kufsiga, iyadoo la adeegsanayo culimada.

Sidoo kale, waxa uu sheegay afhayeenka iney sameyn doonaan howlgallo looga hortago waxyaabaha maanka dooriya oo sabab u ah in tacaddi loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.