Golaha Musharraxiinta oo ka hadlay go’aankii DFS ee Kenya

Musharraxiinta ayaa qaba aragti ahaan in Farmaajo yahay mid markaan dalka bohol kusii wada.

Warar Keydmedia Online
Golaha Musharraxiinta oo ka hadlay go’aankii DFS ee Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha musharraxiinta ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ku aaddan go'aankii xukuumadda Soomaaliya ay ugu yeertay safiirkii u fadhiyey Nairobi, sidoo kalena ay dalka kaga saartay safiirkii Kenya.

Waxa ay war-saxaafaddeekan ku sheegeen in qorshahan uu yahay oo kaliya mid lagu ololeynayo ee aanu ahayn mid ka dhab ah dowladda Farmaajo.

Waxay tilmaameen in kaliya olole lagu doonayo ee aanu ahayn faragelin ay Kenya ku hayso Soomaaliya.

Qoraalka Musharraxiinta ayaa sidoo kale lagu soo saaray digniin ku saabsan in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maraya halkii ugu xumeyd ebid, iyadoo DFS ay ku eedeysan dowladda Kenya iney faragelin ku hayso qarannimada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.