Golaha shacabka oo ansixiyey miisaaniyadda dalka ee 2021

Golaha ayaa shaqeynaya isaga oo waqtigiisii uu idlaaday.

Warar Keydmedia Online
Golaha shacabka oo ansixiyey miisaaniyadda dalka ee 2021

Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa maanta ansixiyay miisaniyadda dalka 2021-ka.

Kulan uu goluhu ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ajandihiisuna ahaa ansixinta miisaaniyadda dalka ayaa si wanaagsan ku soo gabagaboobay, kaddib markuu uu goluhu soo marsiiyay akhrinta koowaad iyo labaad.

Dood dheer kaddib Xildhibaannada ah ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda sandka soo socda ee 2021-ka, waxaana oggolaaday 145 Xildhibaan, ma jirin wax diiday ama ka aamusay.

Golaha wasiirrada ayaa golaha shacabka u soo gudbiyay miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 oo dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda dowladda, isagoo ka hor akhriyay golaha warbixin la xiriirta miisaaniyadda.

Muddo xileedka golaha shacabka ayaa ku ekaa 27-kii bishan welina ma jiro wax doorasho ah oo dalka ka dhacday, waxaana wali taagan muran iyo madmadow badan oo la xariira arrimaha doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.