Goorma ayaa heshiiska doorashada la horgeynayaa BFS?

Xildhibaannada ayaa u codeyn doona heshiiska doorashada dalka ee ay gaareen DFS, gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayaa heshiiska doorashada la horgeynayaa BFS?

Guddoonka Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muddeeyay waqtiga sida rasmiga ah loo horgeyn doono mudanayaasha Labadan aqal, heshiiskii laga gaaray doorashooyinka dalka.

Guddoonka BFS ayaa ku wargeliyey dhammaan xildhibaannada in maalinta berrito oo Sabti ah u diyaar garoobaan kulan wadajir ah oo looga arrinsan doono heshiiskii ay DFS iyo dowlad goboleedyada ka gaareen doorashada 2020/21.

Xildhibaannada Labada aqal ayaa laga doonayaa in ay codka u qaadaan heshiiskan, walow ay jiraan xildhibaanno kasoo horjeeda.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan u arkin heshiiskan la horgeynayo BFS inuu yahay xeer ama sharci ay waajib tahay in mudanayaasha baarlamaanka ay u codeeyaan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeystay in heshiis walbo oo la galo ay wax ka ogaan doonaan BFS, waana sababta keentay in berrito la isku diyaariyo geynta heshiiska doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.