Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Cabdi Xaashi ayaa dulmi iyo hagar daamo u arka in la duudsiiyo xuquuqdii ay lahaayeen gobollada Waqooyi.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, C/xaashi C/laahi ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga soo horjeestay guddigii uu u dhowaaqay RW Rooble, kadib markii uu sheegay guddoomiyaha in laga tagay xubno uu kusoo daray guddigaasi.
Xubnahan ayuu sheegay iney matalayeen gobollada Waqooyi ee Somaliland, balse gabi ahaamba uu ka tagay ra'iisul wasaaraha, sidaasi darteedna aanu guddigaasi iyagu shaqo ku lahayn.
Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay in xubnaha lasoo magacaabay haddii ay ku jiraan kuwo maamulaya doorashada xildhibaannada Somaliland aanay iyagu ka warqabin.
Qoraalka hoos ka akhriso:
Add comment
Comments