Howlgal gaar ah oo ka dhacay Jubbada Hoose

Howlgalkaan ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana ciidanku qabteen xubno Al-shabaab ah.

Warar Keydmedia Online
Howlgal gaar ah oo ka dhacay Jubbada Hoose

Ciidanka Danab ee ciidanka xoogga dalka ka tirsan ayaa howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo la sheegay in Al-shabaab ay ku uruurinayeen waxa loo yaqaan sakawaatka.

Deegaannada ay ciidanka howlgallada ka fuliyeen ayaa kala ahaa Katiin, bernasey, Warabole, Cusbo, Xawaljiri oo dhammaantood ka tirsan Jubbada Hoose.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen xubno Al-shabaab ah, balse wax faah faahin ah lagama bixin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.