James Swan oo ku baaqay ilaalinta xorriyadda hadalka

Swan ayaa si dadban fariin ugu diray dowladda Madaxweyne Farmaajo oo caburisa warbaahinta.

Warar Keydmedia Online
James Swan oo ku baaqay ilaalinta xorriyadda hadalka

James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku baaqay in aad loo ilaaliyo xorriyadda hadalka, isku imaantinka iyo ra'yiga, maadaama Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho.

“Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn" ayuu yiri Swan.

Sidoo kale, James Swan ayaa sheegay in baahi loo qabo xaqiijinta saaxadda siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay ahaato mid furan, si loo muujiyo codadka iyo tirada.

Swan ayaa si dadban wuxuu dowladda Farmaajo uu ugu diray farriinta ah ilaalinta xorriyadda hadalka, maadaama ay iyadu saxaafadda iyo bulshadaba caburin ku hayo.

Dowladda Farmaajo ayaa xarig, jirdil iyo hadadaad kula dhaqaaqda warbaahinta iyo suxufiyiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.