James Swan: Soomaaliya iyadaa la wareegi doonta ammaankeeda

Ammaanka Soomaaliya waxaa gacanta ku hayey AMISOM iyo Qaramada Midoobay. 

Warar Keydmedia Online
James Swan: Soomaaliya iyadaa la wareegi doonta ammaankeeda

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya.

James Swan ayaa xusay in sanadka soo socda uu noqon doono sanad kala guur ah, kaasi oo Soomaaliya ay hoggaamin doonto masuuliyadda arrimaha ammaankeeda.

Swan ayaa amaanay dareenka isku tanaasulka ah oo ay heshiiska ku gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Si aan sare ugu qaado wada hadalka Soomaaliya, waxaan bilaabay dhawaanahan booqasho xiriir ah oo aan ku tegayay Caasimadaha Maamul Goboledyada (...) sidoo kale waxaan ogahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu bilaabay booqashada maamul Goboleedyada, uuna sii wado wadahadalka uu la leeyahay Madaxda Mamaul Goboleedyada, arrintan oo ah tallaabo aan soo dhaweynayo” ayuu yiri Swan.

Asigoo u waramaya golaha ayuu James Swan sheegay in Soomaaliya ay qaadatay hannaan doorasho oo is oggol ah sanadka 2021, kaasi oo ah mid ay tageereen qeybaha bulshada, isla markaana ay ku wada heshiiyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha DF, iyadoo ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Dadaallada ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayuu uku tilmaamay kuwo ay ka go’antahay soo celinta nabadda iyo xasiloonida.

Dhanka arrimaha Beni’aadannimada waxa uu sheegay in weli ay baahidu taagantahay, dalkana ay heystaan saddex arrimood oo waa weyn oo kala ah COVID-19, fatahaadaha iyo Ayaxa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.