Musharaxiinta oo baaqay u diray Jubbaland & Puntland

Xubanaha guddiga doorashada ayaa horey walaac looga muujinayey.

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo baaqay u diray Jubbaland & Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharraxiin gaaraya 14, islamarkaana Shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ugu baaqeen Maamullada Jubbaland iyo Puntland in ay wax ka bedalaan qaar ka mid ah xubnaha guddiga heer Federaal ee ay soo magacaabeen.

Qoraal ay u mideysa yihiin Musharraxiintan ayeey ku sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in qaar ka mid ah xubnahaasi ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka, Hay'adaha Ammaanka, qaarkoodna ay taageero u muujiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Si xubnaha guddiga Doorashada heer Federaal u noqdaan kuwo mas'uuliyad qaadi kara, islamarkaana dhex-dhexaad ah, waxa ay sheegeen musharraxiintan in lagama maarmaan tahay wax ka bedalka xubnaha hada lasoo xulay. 

Madaxda Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayeey si gaar ah uga dalbadeen xubnahan iney aqbalaan codsigooda. Sidoo kale, musharaxiinta ayaa hore baaq u diray maamul gobolleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Qoraalkooda hoos ka akhriso:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.