Kaalinta Eritrea ee dagaalka Itoobiya

Dagaalkan ayaa yeelaayana wejiyo cusub oo halis ah.

Warar Keydmedia Online
Kaalinta Eritrea ee dagaalka Itoobiya

ADDIS ABABA, Itoobiya - Dagaal u dhaxeeya ciidanka federaalka ee Itoobiya iyo sidoo kale TPLF ayaa ka soconaya gobolka Tigreega ee waqooyiga dalkaasi.

Dagaalkan ayaa ah mid xooggan, wuxuuna sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur-bur hantiyeed.

Gobolka lagu dagaallamayo ayaa xuduud la leh Eritrea, waxaana jira warar sheegaya in ciidanka Eritrea ay caawinayaan kuwa federaalka Itoobiya.

Qibra Silaasi oo ka mid ah dadkii ka cararay dagaalladan una barakacay dhanka Sudan ayaa sheegay in duqeyn Labo jiho ah ay ku socoto gobolka Tigreega.

Wuxuu xaqiijiyey in dhanka Eritrea laga soo duqeynayo, sidoo kalena gobolka Amxaarada ay duqeynta Labaad ka imaaneyso.

Dhinaca kale, hoggaanka TPLF ayaa xaqiijiyey iney iyagu ka dambeeyeen Saddex gantaal in xalay ku dhufteen garoon ku yaala magaalada Asmara.

Hadaba dagaalkan ayaa kasii xoogeysanaya sida uu ku bilowday, waxaana, laga baqayaa in haddii Eritrea ay si buuxda dagaalkan usoo gasho in dhibaato badan ay ka dhacdo gobolka Tigreega.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.