Kallumeysato iyo doonyahooda oo lagu la’ yahay xeebaha J/hoose

Xilliyada dabeylaha, ma awoodaan iney shaqeystaan kallumeysatada.

Warar Keydmedia Online
Kallumeysato iyo doonyahooda oo lagu la’ yahay xeebaha J/hoose

Dabeylo ka kaxay xeebaha gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay in la waayo doonyo kallumeysi iyo sidoo kale dadkii la socday, kuwaasi oo illaa iyo hadda la baadigoobayo.

Waxaa a xaqiijiyey in la la' yahay Afar qof iyo doon ay la socdeen, kadib dabaylo kacay, sidoo kale waxaa la helay kallumeysato kale oo iyaguna sidaasi loo waayay.

Kallumeysatada ayaa u sheegay waraahinta in sidoo kale la la' yahay Saddex doon oo kuwa kallumeysiga ah, iyaga oo DFS iyo Jubbaland ugu baaqay iney ka qeybqaataan raadinta dadka iyo doonyaha maqan.

Dhanka kale, sare u kac aad u ballaaran ayaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto Kalluunka suuqyada Kismaayo, sababo la xiriira dabalyaha jiraha iyo Kalluumeysatada oo aan soo jiliaaban karin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.