Kenya oo shuruud ku xirtay ka bixitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya

Kenya ayaa u muuqata mid aan dooneyn in ciidnkeeda ay kala baxdo Soomaaliya, maadaama tacaddiyo lagu eedeeyey.

Warar Keydmedia Online
Kenya oo shuruud ku xirtay ka bixitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shuruud ku xirtay in ciidankeeda ay ka baxaan Soomaaliya, kadib Warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in ciidanka Kenya laga saarayo Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Kenya, Monica Juma ayaa ugu horreyn meesha ka saartay in Kenya ay si dhaqsi ah ay ciidankeeda ugala baxyso Soomaaliya.

Waxay sheegtay in ciidankooda ay ku yimaadeen Soomaaliya baahi loo qabay, sidoo kalena Kenya ay gurmadka Soomaaliya soo bilowday sanadkii 1992-kii, kadib markii ay bur-burtay Dowladdii Dhexe.

Juma ayaa sheegtay sidoo kale in iyaga oo AMISOM ka tirsan ciidankooda ay bixi doonaan haddii ay dhacaan qodobadan:

1- Soomaaliya oo Nabad laga hirgeliyo.

2- Al-shabaab oo laga adkaado.

3- In hay'adaha Ammaanka Soomaaliya awood u yeeshaan sugidda Amniga dalkooda.

Ugu dambeyn, Wasiir Juma ayaa sheegtay in mar walba ay qeyb ka yihiin go'aannadooda kuwa AMISOM, ee aysan jirin go'aan ay si gaar ah u qaadanayaan.

Ciidanka Kenya ayaa dhibaatooyin ka geysta gobollada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, sida gobolka Gedo.

KEYDMEDIA ONLNE

Commenting is not available in this channel entry.