Kheyre oo ka digay dagaal Sokeeye

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka, Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay Dagaal Sokeeye oo dalka uu galo, haddii ay dhacdo in Farmaajo uu sameeyo wax is daba-marin waqtiga doorashada

Warar Keydmedia Online
Kheyre oo ka digay dagaal Sokeeye

MUQDIHSO, Soomaaliya - Kheyre oo Muqdisho kusoo noqday maanta ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho waqtigeeda ku qabsoonta.

Haddii doorashada si hufan aanay u dhicin ayuu sheegay in dalka uu dagaal sokeeye ka dhici karo, ama xaaladdu isku bedali doonto sida dalka Itoobiya.

“Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay in uu jiro walaac la xiriiro doorashada, waxaana ugu baaqayaa madaxda dowladda & Shacabka Soomaaliyeed inay muhiim tahay in lagu heshiiyo doorashooyinka, laakin hadii aan lagu heshiin ay Qatar geli karto dowladnimada Soomaaliya" ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre oo xukuumaddiisa ay dalka ku riddey bohosha uu maanta ku jiro ayaa raja ka qaba in uu noqdo Madaxweyaha Soomaaliya, kuna guuleysto Doorashada 2021.

Siyaasiyiinta u taagan doorashada xilka Madaxweynaha ayaa walaac ka qaba nidaamka ay wax u socdaan ee dhanka doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.