NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Maamulka Hiiraan, kan Baladweyne iyo sidoo kale Booliiska wax faah faahin ah kama aanay bixin xarigga wariyeyaashan.
Ciidamada Booliiska Baladweyne ayaa xiray Laba wariye, kuwaasi oo kala ah C/qaadir Dulyar iyo sidoo kale agaasimaha Radio Hiiraanweyn, Maxamed Cismaan Makaraan.
Xalay waxa ay ciidanka Booliiska weerar ku qaadeen hotelka uu deganaa wariye Dulyar, kaasi oo ka tagay Muqdisho, islamarkaana soo wareystay Jeneraal Xuud.
Wariye Makaraan ayaa saakay damcay in uu soo booqdo wariye Dulyar, hase ahaatee isaga waa la xiray.
Maamulka Hiiraan, kan B/weyne iyo sidoo kale Booliiska wax faah faahin ah kama aanay bixin xarigga wariyeyaashan.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhibaato badan kala kulmay hay'adaha ammaanka dalka, kuwaasi oo mar walba kahor istaaga shaqooyinkooda.
KON waxay dalbaneysaa in la dhowro xuquuqda wariyeyaasha, lana soo daayo Labadan suxufi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments