Loolanka Qatar iyo UAE ee doorashooyinka Soomaaliya oo xoogeystay

Waa Labo dowladood oo aad isugu haya siyaasadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Loolanka Qatar iyo UAE ee doorashooyinka Soomaaliya oo xoogeystay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa aad u xoogeystay loolanka adag ee xilligan ka dhaxeeya Qatar iyo Imaaraadka, maadaama ay soo dhowdahay doorashooyinka Soomaaliya.

Wakiilo ka socda dalalkan ayaa maalmahan dambe waxay aad ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya, dal walbana wuxuu si gaar ah u baadi-goobayaa shaqsi dhankooda ka socda inuu noqdo madaxweyne.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa markaan aad u xoojisay dedaalkeeda ku aaddan in shaqsi ay wadato uu dalka ka noqdo madaxweyne, waxaana ay diyaarsaneysaa dhowr musharrax.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in hadda ay wadahadal hoose kula jiraan Imaaraadka siyaasiyiin dhowr ah, sida madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Ulajeedka Imaaraatka ayaa ah in danaha ay leeyihiin ay ka fushadaan Soomaaliya, islamarkaana meesha laga saaro Qatar iyo ciddii taageertaba.

Imaaraatka oo awood ahaan hadda looga adkaaday siyaasadda Soomaaliya, ayaa markaan doonaya inuu sameeyo kabasho xooggan.

Dowladda Qatar

Dowladda Qatar ayaa iyana qudheeda waxay waddaa dedaal ka xooggan midka ay waddo Imaaraadka, waxaana ay doonayaan in sanado kale ay kusii darsadaan, welibana qarash ku bixiyaan musharraxiin badan.

Inkastoo Qatar ay u aragto Farmaajo in mar kale aan lagu bixin karin qarash, si Afar sano kale uu u maamulo dalka, ayaa hadana xubno ay ka mid yihiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxay dedaal ugu jiraan soo celinta Farmaajo.

Dowladda Qatar ayaa markan waxay taageeri doontaa illaa Afar musharrax, maadaama culeys badan uu kaga imaanayo dhanka Imaaraadka, waxaana ka luntay kalsoonida ah in Hal shaqsi ay taageeraan.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa xilliyada ay ololaha doorashada ku jiraan waxay gacan ka raadsadaan dalal shisheeye, iyaga oo u ballanqaadaya iney u fulin doonaan mashruuc walbo oo Soomaaliya ay uga baahdaan.

Waxaa jira siyaasiyiin aaminsan in aanu micno badan lahayn taageero laga helo dal shisheeye, hase ahaatee badi kuwaasi ma helaan codod ku filan, sababtoo ah ma hayaan qarash (lacag) ay isaga laaluushaan codbixiyeyaasha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.