NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Guddigan aya baaritaan ku sameyn doona sababta shilka keentay.
GAALKACYO, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa guddi u saartay shilka ay maanta diyaaradda Garoowe ku gashay diyaaradda Air Jabuuti.
Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan ayaa sheegay in diyaaraddan ay sidday 34 qof, islamarkaana ay ka timid dalka Jabuuti, waxaana guddiga loo saaray ay kala yihiin.
1: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin
2: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Ali Yuusuf
3: Agaasimaha duuliska Hawada Puntland Beyloote Moote
4: Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Cabdirashiid Jaamac Maxamed.
5: Nicalos oo ah Injineerka Diyaaradda.
6: Madaxa Taawarka Xamiim
Guddigan ayaa warbixin dhammeystiran ka keeni doona shilkan, qaabka uu u dhacay iyo waxa sababay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments