Siyaasadda Farmaajo ee Hirshabelle oo abuurtay colaad 

Xaaladda Magaaladda Baladweyne iyo duuleedkeeda ayaa cakiran maalmahaan, waxaana deegaanka ka jira xiisad dagaal iyo Ciidamo is-horfadhiya, Keydmedia Online ayaa warbixintaan isku soo koobeysa salka colaadda ka jirta Gobolka Hiiraan. 

Warar Keydmedia Online
Siyaasadda Farmaajo ee Hirshabelle oo abuurtay colaad 

BALADWEYNE, Soomaaliya - Beesha Xawaadle ayaa aad uga soo horjeedda maamulka cusub ee Hirshabelle, waxaana ay doonayaan iney sameystaan maamul u gaar ah Hiiraan. 

Beeshan oo intii uu dhisnaa maamulka Hirshabelle fursad u heshay in Labo shaqsi oo kasoo jeedda ay hoggaanka u qabtaan Hirshabelle ayaa isbedal waxa uu yimid dhismaha maamulkii Labaad ee Hirshabelle.

Maleeshiiyaad hubeysan oo uu hogaaminayo Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaan 'Jeneraal Xuud' iyo odayaal dhaqan ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka cusub ee Hirshabelle ku eedeynaya in ay afduubteen doorashadii dhawaan ka dhacday degaanka. 

Dhallinyaro beesha ah ayaa isku uruursaday banaanka magaalada Baladweyne, waxaana ay sheegeen iney la dagaallami doonaan madaxweynaha maamulkaasi Guudlaawe.

Waxgaradka beesha Xawaadle oo aan u wada dhammeyn arrintan ayaa hadana waxaa jira kuwo lacag ku bixinaya sidii dagaal loo abaabuli lahaa, ayagoo sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Maamul cusub.

MAXAY KU DOODAYAAN

Hiiraan waxaa wada deggan beello badan, hase ahaatee beeshan ayaa sheegata in gobolka ay leedahay, waxyaabaha ay ku doodayaanna waxaa ka mid ah in aysan u cuntamin Madaxweyne ku xigeen, ayna yihiin gobol weyn oo kasoo haray Sideeddii gobol ee la kala qeybiyay.

Gobolka Shabellaha dhexe oo ay wax isla wadaagaan ama maamulkaan uu ka dhaxeeyo ayaa ah mid aad uga kheyraad badan Hiiraan, sababtoo ah, Shabellaha Dhexe waxa uu leeyahay wax-soosaar badan, sidoo kalena webiga ay wadaagaan ka sokow qeybo ka mid ah gobolka waxaa mara badda.

Beeshan ayaa markii dowladdii Xasan Sheekh dhiseysay Hirshabelle sidan oo kale gadood u sameeyey, lamana oga waxa tabashadooda badan ku dambeyn doonto.

Cabsida hada jirta ayaa ah in dagaal ka dhaca magaalada Beledweyne uu sii xumeyn karo amaanka gobalka iyo xiisadii horey u taagneyd.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.