Madaxweynaha Kenya oo lagu cadaadinay inuu la xaajoodo DFS

Kenya ayaa faa'ido aad u weyn ku qabtay Jaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha Kenya oo lagu cadaadinay inuu la xaajoodo DFS

Ganacsatada Jaadka ee dalka Kenya ayaa ku cadaadinaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu la xaajoodo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib suuq la'aan soo wajahday ganacsatadan.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha ganacsatadan ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan oo ku nool ka ganacsiga Jaadka ay suuq xumo baahsan soo wajahday, islamarkaana loo baahan yahay in Kenyatta oo wadahadal la galo DFS.

Guddoomiyaa ayaa sheegay in 10-kii bilood ee lasoo dhaafay ay lumiyeen lacag dhan 10 bilyan oo shilinka Kenya ah, sidoo kalena maalin walbo ay heli jireen 16 milyan oo lacagta Kenya ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay Jaadka ka yimaada Kenya sababo ay ku sheegtay xakameynta Covid-19, hase ahaatee waxaa si maalinle ah dalka u yimaada Jadka Itoobiya.

Sababaha loo joojiyey Jaadka Kenya ayaa lagu sheegay arrimo siyaasadeed, iyadoo Booliiska DFS ay marar badan dab qabasiiyeen Jaad si dhuumasho ah looga keenay Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.