Muuse Biixi oo u safray Kenya

Kenya ayaa dooneysa iney tashwiish siyaasadeed ku furto DFS.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo u safray Kenya

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cadi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka amba baxay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi, iyaga oo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka Biixi ayaa ah casumaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana ay Labada dhinac ka wadahadli doonaan arrimo ku aaddan xiriirkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.