Deni: DFS Ciidankeeda hakala baxdo Gedo

Deni aya DFS ku eedeeyey inaanay fulin qodobo badan oo heshiiskii doorashada ah.

Warar Keydmedia Online
Deni: DFS Ciidankeeda hakala baxdo Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni oo khudbad ka jeediyey shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho, islamarkaana uga qeybqaatay aaladda Zoobka, ayuu ka hadlay arrinta la xiriirta gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay iney Jubbaland doorsho ku qabto degmada Garbahaarey, sidaasi darteedna loo baahan yahay in dowladda ay ciidankeeda kala soo baxdo gobolkaasi.

Dowladda ayuu ugu baaqay iney tixgeliso nidaamka maamul ee halkaasi ka jira, islamarkaana aanay dalka u horseedin kala qub-qubnaan iyo colaad.

Deni ayaa sheegay in aan weli la fulin heshiiskii doorashada ee ay gaareen DFS iyo dowlad goboleedyada, waxaana uu tusaale usoo qaatay in wadatashi lagu soo xulo guddiga doorashooyinka ee gobollad Waqooyi, sidaasi darteedna ay DFS go'aa iska qaadatay kaligeed.

Deni ayaa dhanka kale tilmaamay in guddiga doorashada ee DFS soo magacawday aanay buuxin shuruudihii lagu ballamay, sidaasi darteedna uu haatan bilowdan walaac xooggan.

Maamuladda Jubbland iyo Puntland ayaa aad u dhaliilsan nidaamka ay DFS ku doonayso in lagu qabto doorashada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.