Maxay ka wadahadleen Filish iyo Safiirka Midowga Yurub?

Cumar Filisha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub, sida ay Soomaaliya uga taageeran dhinacyo badan oo amniga uu ku jiro.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wadahadleen Filish iyo Safiirka Midowga Yurub?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Filish ayaa kulan la qaatay safiirka midowga Yurub u fadhiya Soomaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez, waxaana kulankaasi uu ahaa mid looga hadlay arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha kulankan looga hadlay awaxaa ka mid ah, sidii xoojin lahaa taageeridda mashaariicda kala duwan ee ka socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxay mas'uuliyiinta wadahadalkooda diiradda ku saareen dar-dargelinta taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub siiyo caasimadda, dib u dhiska iyo sidoo kale horumarinta barakacayaasha Muqdisho.

Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa u sheegay duqa Muqdisho in mar walbo ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalinna ay ka qaadan doonaan dib u curashada Soomaaliya.

Cumar Filisha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub, sida ay Soomaaliya uga taageeran dhinacyo badan oo amniga uu ku jiro.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka tageero mashaariic badan, wallow mashaariicdaasi aanay u fulin sidii loo soo dhiibay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.