Maxay ka wadahadleen RW Rooble iyo Axmed Madoobe?

Kulankan labada Mas'uul ayaa diiradda lagu saaray doorashooyinka iyo arrimo kale.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wadahadleen RW Rooble iyo Axmed Madoobe?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo sidii looga bixi lahaa marxaladdan kala guurka ah.

RW Rooble ayaa ka dalbaday Axmed Madoobe inuu kala shaqeeyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho, Jubbaland iyana ay arrintaasi ka qaadato kaalin mug leh.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa dhankiisa u ballanqaaday Ra'iisul Wasaaraha cusub inuu kala shaqeyn doono arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka.

RW Rooble ayaa Muqdisho kula kulmay guddoonka golaha shacabka, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Shakuur iyo mas'uuliyiin kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.