NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Xildhibaannadan ayaa sheegay in arrintan ay sharci darro ahayd, islamarkaana waxa ay ka dacwoodeen maxkamadda.
Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay qoral ay soo saartay ku sheegtay waqtiga la dhageysan doono kiiska la xiriira 8-dii xildhibaan ee dhowaan baarlamaanka maamulkaasi xasaanadda ka qaaday.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in arrintan ay sharci darro ahayd, islamarkaana waxa ay ka dacwoodeen maxkamadda.
Maxkamadda ayaa sheegtay in 10-ka bishan December la dhageysan doono kiiskaasi, iyo in xasaanaddii laga qaaday xildhibaannada ay sax tahay.
Mudanayaasha dacwadda u gudbiyey maxkamadda sare ee Puntland ayaa kala ah:
1- Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed
2- Saleebaan Faarax Ciise
3-Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)
4-Muuse Siciid Xassan (Jajabsay)
5-Maxamuud Maxamed Barre
6- Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye)
7- Maxamuud Axmed Caalin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments