Muqdisho: Waddooyin bur-bursan iyo kuwo biyo fadhiisad ah

Waddooyinka qaar ee Magaaladda Muqdisho waxay u xirmeen biyaha roobka oo fadhiistay oo ay gawaaridii xitaa mari waayeen.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Waddooyin bur-bursan iyo kuwo biyo fadhiisad ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka waxaa la sheegayaa in qiyaas ahaan ay ku nool yihiin 4 milyan oo qof, waana gobolka kaliya ee sida buuxda ay u maamusho DFS, ahna gobolka ay dadkiisu canshuurta bixiyaan.

Hadane magaalada ayaa u muuqata in Wabi cusub uu dhex-maro, taasi oo aan kala jeedno waddooyinka badan ee biyuhu ay fariistaan.

Sababta isbedalka loogu sameeyey xubnaha maamulka gobolka Banaadir ayaa ah fashilka ay dhex fadhiisteen, kadib markii ay nadaafadda iyo bilicda magaalada ay waxbo ka qaban.

Dhammaan waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada, walibana il qabadka ah ayaa ah kuwo biyo ay dhex ceegaagaan, xitaa waddooyinka qaar ma mari karaan gaadiidka.

Wadada isku xirta KM-4 iyo garoonka Aadan Cadde waa muraayadda magaalada, sababtoo ah cid walbo oo dalka timaada waa halkii ay soo mari lahayd, muwaadin iyo Ajnabi ha ahaade, hadana markii uu roob da'o waa meesha ugu daran ee biyo fariisadka ah, maamulka gobolka Banaadirna wadadaasi waxbo kama aanu qaban, xitaa guud ahaan DFS.

Shacabka ayaa ah kuwo dhib ku qaba, oo biyaha halkaasi dega qof iska daayee xitaa ma mari karaan gaadiidka. Ku darso, biyahan badan waxaa kasii daran waddooyinka magaalada oo dhan oo bur-bursan, marka laga reebo waddooyinka ay dhistay dowladda Turkiga, kuwaasi oo si adag loo sameeyey.

Waxaa bur-buray waddooyin dhisnaa wax ka yar Sanad, kadib markii shirkado lagu naas-nuujinayo uu maamulka gobolka Banaadir siiyay qandaraaska, hase ahaatee Roobkii yimid uu Hal mar ku bur-buriyey.

Shirkadahan ayaa lagu siiyey lacag aad u badan, mana jirto cid dib ula xisaabtay maadaama badqabkii wadada aanu noqon sidii lagula heshiiyey.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa hareeyay musuq aad u xooggan, iyadoo aanay jirin cid dalka iyo dadka u naxaysa ama wax u qabaneysa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.