Musharraxiinta ku shirsan Muqdisho oo guddoomiye doortay

Shirka musharraxiinta ayaa ah mid dar-dar xooggan ku socda.

Warar Keydmedia Online
Musharraxiinta ku shirsan Muqdisho oo guddoomiye doortay

Musharraxiinta maalintii Afaraad shirka ku leh magaalada Muqdisho ayaa waxa ay doorteen guddoomiye, Afhayeen iyo xoghaye.

Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay guddoomiye, waxaa afhayeen u doorteen Ridwaan Xirsi Maxamed halka xoghaye u doorteen Xuseen Cabdi Xalane.

Musharraxiinta ayaa shirkoodii maanta ku casuumay culimada Ahlu-sunna Waljameeca, sidoo kale waxay ku casuumeen haweenka Soomaaliyeed iyo ganacsatada.

Wixii faah-faahin ah kala soco bogga wararka ee Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.