Puntland oo dhintay qiimaha lagu baaro Covid-19

Dadka ayaa hrey cabasho uga ahaa qiimaha lagu baaro Covid-19.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo dhintay qiimaha lagu baaro Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa qiimo dhimis u sameysay dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka ka baxaya, si looga baaro Covid-19.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in qiimaha barista hadda laga dhigay $35, halka ay ka ahayd markii hore $50.

Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland oo ka duulaysa falcelinta bulshada reer Puntland ee khidmada baaritaanka iyo helidda shahaadada badqabka xanuunka COVID-19 ee muwaadiniinta u safraysa dibbada, ayaa go’aamisay in la dhimo khidmaddaas lagana dhigo 35 dollar halka ay marki hore ay ka ahayd 50 dollar.

Qiimahan ayaa ahaa mid aad u qaali ah, marka loo eego magaalada Muqdisho oo lagu baarayey $30.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.