Puntland oo heshiis la gashay shirkad laga leeyahay Imaaraatka

Shirkadan ayaa maamuli doonta garoonka Boosaaso.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo heshiis la gashay shirkad laga leeyahay Imaaraatka

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah waxa uu garoonka diyaaradaha ee Boosaaso maamulkiisa ku wareejiyey shirkadda TISL, kadib kulan ka dhacay Dubai.

Wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland mudane Ilyaas ayaa maamulka TISL u saxiixay iney la wareegaan garoonka, iyaga oo ka shaqeyn doona ballaarinta iyo dib u habeynta garoonka.

Shirkaddan oo laga leeyahay Imaaraatka ayaa shaqadeedu noqon doonaa maamulka garoonka Boosaaso, ballaarintiisa iyo sidoo kale horumarinta garoonkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.