Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Qaraxan ayaa ahaa mid aad u xoggan.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Qarax aad u xooggan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Gaakacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan koonfurta magaaladaasi, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare dhaawac u badan.

Haan qashinka lagu shubo oo taallay banaanka xafrunta dowladda hoose ayaa lagu soo waramayaa in lagu dhex qariyey Miino, taas oo ugu dambeyn qaraxday.

Afar ka mid ah ciidamada ilaalada xaruntan ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhaawacmeen qaraxan, waxaana socda howlgal ballaaran oo ay ciidamada Galmudug wadaan.

Qaraxan ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo amniga maalmahan magaaladan uu soo hagaagayey.

Maamulka Galmudug weli wax war ah kama aanu soo saarin qaraxan, iyadoo waddooyinka qaar ay yihiin kuwo xiran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.