Rooble oo Hal arrin ka dhaadhicin la’ Deni

Rooble ayaa u muuqda nin lagu soo siray kursigan.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo Hal arrin ka dhaadhicin la’ Deni

GAROOWE, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu mashquulay sidii uu Madxaweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani uga dhaadhicin lahaa soo magacaabista guddiga doorashada iyo ka qeybgalka doorashada.

Rooble ayaa isku deyey inuu qiyaameeyo Deni sidii ay sameeyeen madaxda Nabad iyo Nolol, isaga oo ballanqaad been ah u sameeyay, una sheegay in kulan weyn la qaban doono, kaasi oo looga gar naqsanayo tabashada Maamulka Puntland ay ka qabto DFS.

Laakiin Deni ayaa si cad ugu sheegay in wax walbo ay ku xiran yihiin in la xalliyo tabashada ay qabaan Jubbaland iyo sidoo kale midowga musharraxiinta.

Doorashada ayaa u muuqata mid sii dhaafeysa waqtigii loogu talagalay, waxaana xilli walbo laga baqayaa in dalka uu dagaal sokeeye madaxa geliyo.

Farmajo ayaan u muuqan shaqsi sameyn doona tanaasul.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.