Rooble oo shacabkii waddooyinka ka xiray, si uu u booqdo Isbitaallo

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaaka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wuxuu booqasho ku tagay isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee shacabkii ayuu culeys kusoo kordhiyey

Warar Keydmedia Online
Rooble oo shacabkii waddooyinka ka xiray, si uu u booqdo Isbitaallo

Dadka ayaan loo sheegin in la xirayo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxayna ka war heleen askar Koofiyad cas qaba oo waddooyinka taag-taagan.

Meelaha ka fog Isbitaallada uu booqanayey waxaa loo diidayey gaadiidka, halka nawaaxiga isbitaalladana shacabkii xitaa ay lugeyn waayeen.

Dadka ayaa aad u dhibsaday ficilkan uu maanta ku dhaqaaqay Rooble oo laga sugayey inuu kala fur-furo waddooyinkan xiran.

Hase ahaatee dadka ayaa kuu sheegaya in ay sugi doonaan maalmo kale oo waddooyinka la xiro, si uu Rooble u booqdo xarumo wasaaradeed iyo meello kale.

Dhaqanka ah in la xirto waddooyin iyadoo aan shacabka loo sheegin ayaa timid dowladda Farmaajo, halka dowladda Xasan Sheekh ay maalmo kahor sii shaacin jirtay in waddooyinka la xiri doono.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.