RW Roobale: Wax baan ka qabanayaa Tacaddiyada Haweenka

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in shaqada Koowaad ee uu qabanayo iney tahay wax ka qabashada tacaddiyada haweenka iyo caruurta.

Warar Keydmedia Online
RW Roobale: Wax baan ka qabanayaa Tacaddiyada Haweenka

Ra'iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilkaasi ayaa sheegay in wax badan uu ka qaban doono kufsiga muddooyinkan dambe soo noq-noqday.

Wuxuu sheegay RW Rooble in shaqada Koowaad ee uu qabanayo iney tahay wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo Caruurta.

Sidoo kale, ra'iisul wsaaraha ayaa sheegay in uu degdeg ku magacaabi doono qabiir kala shaqeeya garsoorka iyo hay'adaha kale ee cadaaladda tacaddiyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, RW Rooble ayaa tilmaamay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, oo dalka ka bixisa marxaladda uu haatan ku jiro.

"Waxaan soo dhisi doonaa dowlad tayo leh oo dardargelisa howlah mudnaanta iyo hortabinta u leh dalka, si aan u gaarno guulaha ay inaga sugayaan shacabka,...si aan wax uga qabto tacaddiyad lagula kaco haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed iyadana mudnaanta Koowaad ayaan siin doona, waxaan magacaabi doonaa qabiir si dhow arrintaasi ugala shaqeeya hay'adaha cadaladda iyo garsoorka" ayuu yiri RW Rooble.

Mudadii ay shaqeyneysay dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo waxaa dalka kusoo batay tacaddiyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo aanay jirin illaa iyo hadda wax laga qabtay.

Farmaajo ayaa Sanad iyo bar ku dhammeystay wax-qabad la'aan iyo colaadinta siyaasiyiinta kale, bedalkii dalka iyo dadka si daacad ah loogu shaqeyn lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.