Rooble: Ciidanka Gedo jooga ma ahan Jabhad ee waa kuwo qaran

Rooble ayaa u muuqday mid si weyn uga carooday hadalkii Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Rooble: Ciidanka Gedo jooga ma ahan Jabhad ee waa kuwo qaran

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta furay shirkii dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ayaa si degdeg ah ugu jawaabay hadlkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkii uu jeedinayey waxaa ku jirtay in aysan macquul ahayn in Jubbaland Hal magaalo oo kaliya ku qabato doorashada, iyadoo dowlad goboleedyada kale ay Labo magaalo ku qabanayaan.

Wuxuuna u sheegay Ra'iisul Wasaare Rooble in isagu aanu ahayn musharrax, shaqadiisana tahay in si sax ah doorashooyinka ku dhacaan, isagoo Axmed Madoobe ka dalbaday xukuumadda in waraaq rasmi ah kusoo qorto iney la wareegtay gobolka Gedo.

Hadaba Rooble oo aan si diblomaasi ah uga fiirsan ayaa u jawaabay Axmed Madoobe wuxuuna u sheegay in ciidanka jooga Gedo yihiin kuwii dowladda ee aanu ahayn kuwo jabhad ah, sidaasi darteed looga baahan yahay Madaxweynaha Jubbaland in uu raaligelin ka bixiyo.

Hadalka Rooble ayaa u muuqanaya in dowladda Farmaajo ay baneysaneyso in qaab qabyaaladeysan gobollka Gedo loola macaamilo, lagana saaro maamulka Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.