RW Rooble oo kormeeray Taliska 60aad ee xoogga dalka

Rooble ayaa maalintii Seddaxaad ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo kormeeray Taliska 60aad ee xoogga dalka

RW Maxamed Xueen Rooble oo uu wehlinayo madaxweynaha K/galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si wadajir a waxay maanta u kormeeren xarunta taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku yaala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay..

Sidoo kale waxay boqdeen dugsiga tababarka ciidanka dowldda UK ee ku yaalla isla magaaladaasi, waxaan Ra'iisul wasaare Rooble uu warbixin ka dhageystay saraakiisha xoogga dalka ee ku sugan halkaasi, isaga oo ku bogaadiyey howlaha ay dalka u hayaan.

Roble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay tayeenta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.