Safiirka Talyaaniga oo booqasho ku tagay Hobyo

Galmudug ayaa dar-dar ku wadda qorshaha lagu dhisayo dekadda magaalada Hobyo

Warar Keydmedia Online
Safiirka Talyaaniga oo booqasho ku tagay Hobyo

Magaalada Hobyo waxaa maanta gaaray safiirka dowladda Talyaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Safiirka ayaa waxay magaalada Muqdisho iska raaceen wasiirka dekadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, kaas oo dhowaan heshiis lagu dhisayo dekadda Hobyo kusoo saxiixay magaalada London.

Ulajeedka wafdigan ayaa ah iney kormeeraan magaalada Hobyo, dekadda cusub ee la dhisi doono iyo arrimo kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.