Sheekh Shariif oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Jowhar

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa doonaya inuu kala fur-furo waxyaabihii ay isku xir-xirtay Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweyniii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah waxa uu ka wadaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Kulamadan ayaa ah kuwo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka, maadaama ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo sidoo kale mucaaradka.

Sheekh Shariif ayaa maanta waxa uu la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mr Guudlaawe, waxarad iyo sidoo kale siyaasiyiin.

Shariifka ayaa doonaya in la xalliyo tabashada ay qabaan qaar ka mid ah beelaha ku abtirsada Hirshabelle, meeshana laga saaro damaca weyn ee ay Villa Somalia leedahay.

Dhanka kale, Macluumaad ay Keydmedia Online heleyso ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu la doonayo xilka Madaxweynaha Hirshabelle Sanbaloolshe oo ahaa taliyahii hore ee NISA, haatanna ay aad isugu dhow yihiin.

Villa Somalia ayaa farogelin aad u xooggan u haysa dhismaha maamulka Labaad ee Hirshabelle, waxaana laga baqanayaa in maamulkan uu noqdo mid hoostaga maamulka Farmaajo sida Galmudug iyo K/galbeed.

Madaxeynihii hore maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare ayaa xilligii uu iska casilayey xilkan wuxuu sheegay in dowladda uu ka dhismi la yahay maamulka Hirshabelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.