Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashanaya arrimaha ammaanka

Biixi ayaa ku dedaalaya wax walbo oo uu ku qalqal-geinayo dowladda Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashanaya arrimaha ammaanka

JABUUTI, KON - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi aoo safar ku tagay dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha kulankaasi diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah, sidii Labada dhinac uga wadashaqeyn lahaayeen arrimaha ammaanka, socdaaka iyo sidoo kale adkeynta xiriirkooda.

Muuse Biixi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee safarka ku jooga dalka Jabuuti ayaa halkaasi ku sugnaan doona maalmaha soo aaddan.

Biixi ayaa safarkii kan ka horreeyey wuxuu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay madaxweynaha Kenya.

Somaliland ayaa dar-dar xooggan ugu jirta sidii ay ku heli lahayd ictiraaf, maadaama ay sheegaan iney ka go'een Soomaaliya inteeda kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.