Taliye Odowaa: Saraakiisha waxaa dilay argagaxisada Al-shabaab

Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab aysan lahayn ehelnimo iyo naxariis.

Warar Keydmedia Online
Taliye Odowaa: Saraakiisha waxaa dilay argagaxisada Al-shabaab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in saraakiishii dowaan lagu dilay gobolka Galgaduud ay ka dambeeyeen dilkooda Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in falkaasi dhacay aanu ahayn sida loo dhigayo hadalka ee qabiil ama wax la mid ah, bale ay ka dambeeyaan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa ku hanjabay in cadaaladda degdeg lagu horkeeni doono raggii falkaasi ka dambeeyey, isaga oo shacabka ka dalbaday gacan siin iyo caawinaad degdeg ah.

"Saraakiisha waxa dilay waa argagaxisada Al-shabaab mana ahan wax u baahan in shaki la geliyo ama meel kale loo weeciyo, waxaan u baaannahay inaan ka shaqeynno sidii aan nimankaasi kusoo afjari lahayn, cid walbo oo dilkaasi geysatayna waxaa balan ah inaan cadaaladda horkeenno" ayuu yiri taliyaha.

Hadalka Taliye Odowaa ayaa meesha ka saareysa wararkii baraha bulshada la isla dhex-marayey ee ahayd in saraakiishaasi loo dilay aano qabiil.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.