Waare oo diiday jadwalka habraaca doorashada Hirshabelle

Waare ayaa sheegay in guddigan uu go'aan gaaray isaga oo qabyo ah.

Warar Keydmedia Online
Waare oo diiday jadwalka habraaca doorashada Hirshabelle

Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid go'aankii ay soo saareen guddiga farsamada ee isagu uu magacaabay, kuwaa oo soo saaray jadwalka habraaca soo xulista xildhibaannada Hirshabelle.

Wuxuu sheegay madaxweyne Waare in nidaamka wax loo soo saaray uu ka muuqdo degdeg, isaga oo dhanka kale tilmaamay in guddiga ay ka maqan yihiin xubno haween ah, sidaasi darteedna aanu waxbo ka jirin go'aankooda.

Waare ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan beelo badan oo aan ku qanacsaneyn hanaanka qeybsiga awoodaha ee Hirshabelle, loona baahan yahay in la xalliyo kahor inta aan habraaca lasoo saarin.

Sidoo kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in guddigan uu qabyo yahay, lana soo dhammeystiri doono, sidaasi darteedna guddi qabyo ah aanu shaqo qaban karin.

Ugu dambeyn, Waare ayaa hoosta ka xariiqay in shaqo walbo oo la qabanayo loo baahan yahay in lagu qabto wadatashi, guddiguna aanu jirin cid uu kala tashtay habraaca jadwalka doorashada Hirshabelle.

 

 
KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.