Oday been ah, ergo been ah & kursi been ah

Kusiga HOP067, waxaa tartamayashiisa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, waxaana Baarlamaankii 10-aad, ku fadhiyay, Cabdullahi Cali Axmed [CADDOW CALI GEES].

Warar Keydmedia Online
Oday been ah, ergo been ah & kursi been ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimahii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka, Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, ayaa farriin u diray shaqsiyaadka doonaya in loo boobo  kuraasta Golaha Shacabka, si ay ugu adeegaan Kooxda Farmaajo, ee dalka galisay qalalaasaha siyaasdaeed.

“Oday fake ah, ergo fake & kursi fake ah waxaa dhaanta adigoo oday sax ah raadsada si uu ergo sax ah kuugo qoro sidaasna aad ku hesho kursi sax ah oo laguugu xushmeeyo aadna ugu adeegtid dadkaaga & dalkaaga”. Ayuu yiri Tuuryare.

Cabdiraxmaan Tuuryare, wuxuu sheegay in kuraasta Hop103 iyo Hop067, oo loo kala boobay Maxamed Cali Xasan [KG] iyo Yaasiin Farey [GM], ay sababi doonaan in guud ahaan la saxo hannaanka doorashada, ama si guud loo qaadaco natiijada boobka ah ee kuraasta.

Taliyihii hore ee NISA, wuxuu dhawaan sheegay in ay caasimadda ka socdaan kulamo looga arrinsanaayo, sidii loo abaabuli lahaa qorshaha 2aad ee badbaadinta qaranka, waxaana arrinkaas hor kicaya saraakiil uu isagu ka mid yahay haddii aan wax laga badalin boobka kuraasta.

Musharixiinta u tartamya ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuu ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon hannaanka boobka ee ay horjoogayaasha maamulladu u fulinayaan Farmaajo, isla-markaasna uusan waqti iyo qarash kaga bixin doorasho aan natiijadeeda la aqbali doonin.

“Waxaan kula talinayaa Saaxiibada & akhyaarta u tartameysa kuraasta Baarlaamnka 11aad in aadan qarash iyo juhdi iska gelin doorasha ku dhacda hanaan dhicisoobay ee aad sugtaan qorshaha cusub ee badbaadada Doorashada iyo Qaranka”. Ayuu yiri Tuuryare.

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, ayaa dhawaan shaaciyay, kuna war-galiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay kursiga sumaddiisu tahay HOP067, kaas o dhawaan Dhuusamareeb loogu boobay eedeysane Yaasiin Farey.

Kusiga HOP067, waxaa tartamayashiisa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, waxaana Baarlamaankii 10-aad, ku fadhiyay, Cabdullahi Cali Axmed [CADDOW CALI GEES], waxaana leh, beesha Waceysle Abgaal, Hawiye.

Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, wuxuu hore u soo noqday Madaxa baarista xarunta nabadsugida qaranka ee magaalada Muqdisho, Taliyaha maxkamada sare ee militariga iyo xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay shirar kala duwan la qaatay Golaha Wadatashiga Qaranka, Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, kuwaas uu kala hadlay cabashooyinka is-daba socda ee arimaha doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE