NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Khasaaraha ayaa intaan ka badan kara.
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu soo waramayaa in waxyeelo ay soo gaartay saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kale.
Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab ee Gaalkacyo Marsho, duqii horee Gaalkacyo dhanka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qaraxaasi.
Sidoo kale waxaa jira khasaare intaan ka badan, balse weli faah faahin buuxda lama bixin.
Qaraxan waxa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana halka uu isku qarxiyey ka socotay munaasabad lagu soo dhoweynayey Ra'iisul wasaare Rooble.
KEYDMEDIA ONLINE.
Add comment
Comments