Wariye Macalimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Rooble

Waa markii ugu hoorreysay oo xil nocan ah loo magacaabo Macalimuu.

Warar Keydmedia Online
Wariye Macalimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraa xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa afhayeenka xukuumaddiisa waxa uu u magacaabay wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Macalimuu ayaa saxaafadda muddo badan ku dhex jiray, waxaana uu horey uga soo shaqeeyay BBC laanteeda afka Soomaaliga, sidoo kalena hadda wuxuu madax ka ahaa ururka suxufiyiinta FESOJ.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.