Xildhibaan Odowaa: Askarta dhibka ay geystaan iyagaa lagula xisaabtamayaa

Odowaa ayaa digniin kulul siiyey askarta DFS.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Odowaa: Askarta dhibka ay geystaan iyagaa lagula xisaabtamayaa

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin askari dhibaato u geysta shacabka, islamarkaana ku marmarsiyooda in ammar lasoo siiyay, wuxuuna tilmaamay in askarigii dhib geysta isaga u gaar yahay lalana xisaabtami doono.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in uu isbedalay xeerkii ciidamada ee ahaa in markii askari dhib geysto loo qaban jiray sarkaalka ka sarreeya, isaga oo uga digay askarta in ay naftooda dhib u geystaan.

Sidoo kale, xildhibaan Odowaa ayaa ku booriyey askarta Soomaaliyeed iney iska diidaan ammar walba oo ay u arkaan in waddo sharci darro loo marayo.

"Askarta waxaan u sheegayaa in ciddii dhib geysata lagula xisaabtamayo, sidoo kale waxaan leeyahay xeerkii askarta caalamka wuu isbedalay, horey hadaad u ogeyd in askariga dhibka geysto loo xirayo sarkaalka u taliya hadda ma ahane ee askariga ayaa lagula xisaabtamayaa, marka xaq ayaad u leedahay inaad iska diiddo ammar walbo oo sharci darro ah ama dhib keenaya" ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Waxaa soo badanaya digniinta loo dirayo ciidanka DFS oo maalmahan dambe u muuqda kuwo usoo jeestay iney dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.